Hey’adda SHARDO Oo u soo xirtay Tababar Xirfadaha ilaa 40 Dhalinyaro.

Hey’adda SHARDO Oo u soo xirtay Tababar Xirfadaha ilaa 40 Dhalinyaro.

DSC02939

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotelka Globol ee magaalada muqdishu ayaa waxa ay hey’adda SHARDO ugu soo gabagabeysay wajigii 3-aad ee mashruuca barashada xirfadaha ee dhalinarada soomaaliyeed ilaa 40 arday kuwaas oo manta la guddonsiiyay shahaadooyin iyo Qalab ay ku shaqa bilaawdaan,

Mashruucaan ayaa waxaa ka faa’iideysanayay 40 dhalinyaro ah kaa soo socday muddo 6 bilood iyadoo ardaydaani la barayay sida ay sheegeen maamulka hey’adda mashruucaana fulineysay ee SHARDO labo tababar oo kala ah Xifradda Kallumeysiga iyo Xifradda Koronta gelinta,

Mashruuca ayaa waxaa maalgalinayay Jamciyadda Horumarinta Africa iyadoo labatanka (20) araday oo ah kuwa dhameestay xirfadda Kallumeysiga iyagoo koox koox ah oo ka kooban afar aday  kooxdiiba la gudoonsiyay hal doon oo qalabkeeda dhameystiray si ay ugu bilaabaan jilaabashada Kallunka si  ay ugu maareeyaan noloshooda halka20-ka arday ee labaray xirfadda Koronta gelinta ay ayagana la gudoonsiyay qalan aasaasi u ah tababarkoodi si ay ugu shaqo bilaabaan xarumaha ama shirkadaha korontada ka bixiya gobolka banadir  sida ay cadeeyeen maamulka hey’adda SHARDO,

Mas’uuliyiin sar sare ayaa ka hadlay goobta waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha heya’adda SHARDO Maxamed Shukri Moallim, Hassan Sharif oo ah madaxa mashariicda ee hey’adda SHARDO  sidoo kale Agaasimaha guud Wasaaradda Kallumeysiga Mudane Cabdirasaq Diriye warsame (Bilolo) iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Cabdicasiis iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Karan iyo gudoomiyaha dhalin yarada maamulka gobolka banaadir wakiilka heyadda SOCA ee koofurta somaaliya Mohamed Ducale, qaar ka mid ah shirkadahii shaqooyinka ugu deeqay ardayda, macallimiin iyo marti sharaf  kale,

Martida ayaa dhamaantood carabka ku adkeeyay muhiimadd amashruucaan ee ah in dhalinyarada soomaaliyeed kor loogu qaado aqoontooda xirfadeed lana xaqiijiyo shaqo abuur dhab ah ee loo helo dhalinta soomaaliyeed iyadoo dhamman martidii ka soo qeeb gashay ay amaan u soo jeediyeen heya’adda mashruucaan filineysay ee SHARDO sida hufan oo ay u qabteen tababarkaan sidoo kale waxa ay u mahadceliyeen heya’adda maalgalisay ee USADF,

Heyadda SHARDO oo ah heyadd baniaadanimo kana shaqeysa koofurta iyo bartamaha soomaliya ayaa waxaa la aasaasay 1995 kii ilaaxiligaasana ka soo shaqeyneysay arimaha baniaadanimada sida wax barashada, caafimaadka iyo horumarinta xaaladaha nololeed iyo tan  dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed.

DSC02890

DSC02919

DSC02834

DSC02869